”Kenya ha iska jirto inay Somalia ku qabsato sidii Sucuudiga ku qabsatay Yaman!”

0

(Nairobi) 09 Okt 2019 – Somalia ayaa warqad ashtako ah oo rasmi ah oo ka dhan ah Kenya u gudbisey hay’adda QM u qaabilsan duullimaadyada iyo gaadiidka cirka ee ICAO.

Somalia ayaa Kenya ku ashtakaysay inay gacan dhaaf ku samaysay arrimaha gudaha dalka Somalia, kaddib markii ay dalkeeda kasoo fasaxday dayuurad ku socotey shati macmal ah, taasoo jebisey amar kasoo baxay DF Somalia oo ahaa in dayuuradaha aadaya Kismaayo ay soo maraan Muqdisho.

Siyaasiga Soomaaliyeed ee Faarax Macallin oo qoraalka sheekadan kusoo lifaaqay qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayaa Kenya uga digey inay ku dhacdo wixii Sucuudiga Yaman ku qabsaday.

”SOMALIA waxay cabasho ka dhan ah Kenya oo ku xadgudubtey hawadeeda u gudbisey QM. Kenya waa inay ka fogaataa khilaaf. Sucuudigu wuxuu moodayay inuu Yaman ku qabsan karo laba todobaad, balse haatan 4 sano kaddib wax dhamaad ah looma jeedo.” ayuu yiri. http://nation.co.ke.


Hadalsame Media