TUUGO DANABEED: Google oo u dhacday XOGTA 4 milyan oo telefoon (Maxkamad la saarayo)

0

(London) 02 Okt 2019 – Maxkamadda Rafcaannada London ayaa ogolaatay in tillaabo adag oo sharci ah laga qaado sharikadda Google oo qiratay inay sharci darro ugu dhacday xogaha 4 milyan oo qof oo haystey telefoonnada iPhone.

Dadka Google dacwaynaya ayaa ku haysta inay shirkaddu u dustey xogohooda khaaska ah, gaar ahaan telefoonnada Apple iPhone, iyadoo wax ka bedeshey juustada khaaska ah (privacy setting) ee browser-ka loo yaqaanno Safari intii u dhaxaysey Juun 2011 ilaa Febraayo 2012.

Mishcon de Reya, oo ah hay’ad sharci oo ka mid ah difaacayaasha dadka dacwadda soo oogey, ayaa go’aanka Maxkamadda Rafcaanka ku tilmaamay “mid aad loogu baahnaa oo wax ku ool ah” iyadoo sheegtay inay bilow u tahay in la ciqaabo “sharikaadka jebiya xeerarka xogaha gaarka ah.”

Macmiilkooda Richard Lloyd ayaa tillaabadan ku tilmaamay “mid diraysa farriin cad oo Google iyo camaaliqooyinka kale ee tiknolojiyadda u sheegaysa inaysan xeerka ka sarraynin.” 

Hadalsame Media