DHEGEYSO: Sweden oo ugu dambayn wax ka bedeleeysa helitaanka adeegga caafimaadka (Meelo la fududeeynayo)

0

(Stockholm) 01 Okt 2019 – Bukaan socod eegtooyinka Sweden ee loo yaqaanno Vårdcentral-ka ayaa la doonayaa in isbeddel lagu sameeyo iyadoo lagu wado inay dadku u yeeshaan galaangal dheeraad ah oo dhanka internet-ka ah.

Waxaana hindisahan wada baaraha gaarka ah ee dowladda ee Göran Stiernstedt oo sidoo kale soo jeediyay in wax laga bedelo shuruudaha howleed ee dhakhaatiirta online-ka ah.

Göran Stiernstedt oo laftiisu dhakhtar ah horayna u ahaa maamule isbitaal ayaa doonaya in la hirgeliyo isbedello ay ka mid yihiin in dhakhaatiirta online-ka ah lagu soo daro hannaanka haatan shaqeeya, si loo helo daryeel caafimaad oo hufan isla markaana loo siman yahay.

– Isbeddelku wuxuu yahay inaad dookh cad u sameeyso si hordhac ah kaddib waxaad isu damaanad qaadaysaa galaangal fiican oo aad u yeelato daryeel caafimaad mid jireed iyo mid dhijitaal ah waxaad islamarkaa hubaysaa in uu daryeelku kuusii soconayo, ayuu yiri Göran Stiernstedt.

Waqti xaadirkan hannaanka shaqeeya ayaa ka dhigan in bukaannadu ay xaq u leeyihiin inay doortaan dhakhtarkii ay doonaan ee baahidooda dabooli kara, balse marka la eego qaabka uu barnaamijku u naqshadaysan yahay waxaa markasta dhib ka jiraa dhanka helitaanka dhakhtarka iyo sidoo kale badbaadada bukaanka, sida uu qabo Göran Stiernstedt.

Maanta gelinka dambe ayuu soo bandhigayaa hindise ay ku xusan yihiin isbedello badan oo ay ka mid yihiin inay bukaannadu iska diiwaan geliyaan internet-ka halkii – sida maanta jirta – ay ku daali lahaayeen telefoonno waqti badan ka cuna oo ay safaf dhaadheer u galaan, iyagoo dooranaya dhakhtarkii ay rabaan. Wuxuu sidoo kale soo jeedinayaa in dhakhaatiirta online-ka ihi ay sidoo kale bixiyaan daryeel jireed.

Hadalsame Media