DHEGEYSO: Imaam Soomaali ah oo ka jawaabey hindisaha mamnuucidda GUDNIINKA wiilasha & warar kale

0

(Stockholm) 30 Sebt 2019 – Kalfadhigii xisbiga Centerpartiet ee axaddii shalay la soo gabagabeeyey ayaa aqlabiyad ugu codeeyay hindise dhigaya in uu xisbigu ka shaqeeyo sidii lagu mamnuuci lahaa gudniinka wiilasha haddii aanay jirin sabab caafimaad.

Ha yeeshee, go’aankan ayaa ah mid uu ka soo horjeeday hoggaanka sare ee xisbigu, iyadoona ay hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf raalin gelin ka bixisay go’aankaa.

Haddaba sidee ayuu u saammeen karaan haddii go’aanka xisbigaasi uu noqodo sharci ka hirgala dalka, Sheekh Xuseen Faarax. Waa mid ka mid ah imaamyada Stockholm.

…………………………………………………..

Qaybo ka mid ah nawaaxiga waqooyi ee Sweden ayuu ka bilowday barafkii, halka sidoo kale uu xilligii qaboobaha albaabka ku garaacayo qaybo ka tirsan nawaaxiga koonfurta.

Magaalada Jukkasjärvi (Jukasyeervi) oo dhacda gobolka waqooyi ee Norrbotten ayuu ka da’ay baraf 14 centimitir lagu cabiray subaxnimadii isniinta maanta.Iyadoo isla maanta uu heer kulku gaari karo illaa 15 digrii goobo koonfurta ku yaala, halka waqooyiga ay ahaan doonto dhowr digrii oo kulayl ah, balse buuraha taxanaha ee fjällen ayaa noqon doona dhowr digrii oo taban ama miinus ah.

Hawada barafka wadata ayaa u soo tallaabi karta dhanka koonfureed iyo nawaaxiga Mellersta Norrland salaasada berito ah.

…………………………………………………..

Xiddigga saxanka la tuuro ee reer Sweden ee Daniel Ståhl oo ay dhashay hooyo Finish ah ayaa aad looga taageerayaa dalka Finland.

Finland oo ah dal ciyaaraha laga xiiseeyo ayaan sanadkan musharax ku lahayn Koobka Adduunka Saxan Tuurka ee lagu dhigayo Dooxa, Qadar, taasi waxay keentay in dalkaa aad looga taageero Daniel Ståhl oo caawa taagan final-ka KA. Janne Isaksson oo ah weriye ka shaqeeya YLE ayaa ka hadlaya.

”Waa nin si wayn halkan looga jecel yahay, wuxuu sidoo kale ku hadlaa Finish aad u fiican marka wuxuu waraysiyo siiyaa tv-yada iyo idaacadaha,” ayuu yiri.

Hadalsame Media