Yuhuud GURMAD la yaab leh siisay Soomaali xaruntoodii laga gubey!

0

(London) 29 Sebt 2019 – Wadaaddada Yuhuudda ee loo yaqaanno Rabbi-ga oo uu hoggaaminayo Lord Younger, ayaa iskugu habar wacday caawinta Muslimiin, gaar ahaan Soomaali xarun cusub furan lahayd.

Jamciyadda Daryeelka oo ay London ka furteen dadka Barawaaniga ayaa si rasmi ah loo furay xalaytoole, waxaana goobjoog ahaa Yuhuud badan oo taageero ka gaystay sidii dib loogu furi lahaa kaddib markii ay gubatey 6 sanadood kahor.

Wadaaddada Yuhuudda ayaa noqday koox diimeedkii ugu horreeyay ee xaruntaa u gurmaday kaddib dabkii 2013-kii, tusaale ahaan macbadka Yuhuudda ee Finchley Reform Synagogue ayaa ugu yaboohay inay xilliga Ramadaanka halkaa ku tukadaan taraawiixda iyo salaadaha kale.

Sidaa darteed, waxaa xalay furitaanka xaruntan lagu sharfay Lord Younger oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee laga sameeyay East Finchley.

“Waxa diraya farriinta ugu wayn ee ah inaan nacaybku guulaysan doonin waa munaasabaddan caawa oo kale.” ayuu yiri.

Hadalsame Media