Ronaldo oo ku kacay fal ka baxan ciyaaraha (Ganaax culus oo uu halis ugu jiro)

0

(Torino) 29 Sebt 2019 – Laacibka Cristiano Ronaldo oo goolasha u dhaliya kooxda Juventus ayaa baxar wayn ku jira kaddib markii ay sawirradu qabteen isagoos haraati la dhacaya daafaca Francesco Vicari oo u safta kooxda Spal oo ay Sabtigii 2-0 uga adkaadeen.

Vicari ayaa dhulka ka kici waayay dhowr ilbiriqsi kahor intaanu markale hinqanin, yeelkeede, garsoorihii ciyaarta ayaan wax ganaax ah kusoo rogin wiilka reer Portuguese, waxaan sidoo kale shil yarahan soo faragelinin aaladda uu garsooruhu taageerto ee VAR.

Si kastaba, halistu halkaa kuma harin oo haatan waxaa weli dhici karta in ay arrintan dib u eegis ku sameeyaan Guddiga Anshax marinta oo ganaax soo rogi kara haddii ay goostaan inay dib u daawadaan falkan ciyaarta ka baxsan ee uu ku kacay CR7.

Haddii ay dhacdo in Ronie lagu qaado dembiga loo yaqaanno hab-dhaqan cunfi ah (condotta violenta), wuxuu mudan karaa ganaax ka badan 3 kulan ciyaareed, taasoo meesha ka saaraysa inuu safto kulanka adag ee Derby D’Italia ee Axadda soo aaddan dhexmaraya Inter Milan vs Juventus oo ku faltamaya figta sare ee horyaalka Serie A-da Talyaaniga.

Hadalsame Media