(Beijing) 28 Sebt 2019 – Shiinaha ayaa lagu eedeeyay inuu xubnaha jirka kala boxo dadka uu dalkaasi ku xabbiso, gaar ahaan Muslimiinta oo xilligan wajahaya dhibaato aad u ba’an.
The China Tribunal, oo ah koox baaris ku haysa arrintan, ayaa kulan ay la yeesheen Golaha QM ugu qaybsan Xuquuqul Insaanka u sheegay in dowladda Shiinuhu ay dadkan kala baxdo wadnaha, kelyaha, sambabbada iyo xitaa maqaarka, iyadoo ay dhibaatadani u badan tahay Muslimiinta Uighur-ka iyo kooxda diin dhaqameedka Falun Gong.
The China Tribunal ayaa arrintan ku heshay taageero caalami ah si loo hakiyo hab-dhaqankan bahalnimada ah ee xukuumadda Beijing.
Shiinaha ayaa dafiray jiritaanka arrintan iyagoo sheegay inaanay jirin ”xubno ay la bexeen duruuf kasta”, blase qarreennada China Tribunal, oo uu u hadlay Hamid Sabi, ayaa sheegay inay hayaan caddayn ay ku taageerayaan warkooda.

Hadalsame Media