(Milano) 26 Sebt 2019 – Waxaa soo baxaya warar isa soo taraya oo sheegaya in qaab musuq ah lagu bixiyay Abaalmarinta FIFA ee FIFA’s The Best Award iyadoo xitaa la sheegayo in LEO MESSI si khalad ah loo siiyay, sida ay sheegayaan ugu yaraan laba qof oo ka qayb galay munaasabadda.
Wargayska kasoo baxaya Torino ee Tuttosport ayaa qoray in jookarka Juventus ee Cristiano Ronaldo ‘laga dhacay koobka’ oo uu 46 dhibcood ku qaatay Messi oo ka horreeyay Virgil van Dijk 38 iyo Ronaldo 36.
Ronaldo ayaa u gooyay xafaladdii Milano, balse Tuttosport ayaa qoraya inuu shaki wayni jiro sida ay sheegayaan kabtanka Nicaragua ee Juan Barrera iyo macallinka Sudan ee Zdravko Lugarosic oo sheegay inay la yaabeen markii ay arkeen liiska ugu dambayntii lasoo daabacay ee uu Messi ku guulaystey.
Barrera ayaa soo tweet gareeyay “war war ka haya halka uu codkaygii la been abuuray ka baxay #TheBest2019, mahadsanid.”
Naadiga laacibka ayaa kasii daray oo sheegay in “kabtanku aanu arrintan ka qayb gelin oo aanu codayn, xogta lasoo bandhigayna aanay sax ahayn.”
Waxaa kasii darrayd markii uu macallinka Sudan ee Logarusic uu soo bandhigay codayn muujinaysa inuu doortay Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Kylian Mbappé.
Ha yeeshee, ay FIFA codkiisii u bedeshey Lionel Messi, Virgil van Dijk iyo Sadio Mane.
Hadalsame Media