DHEGEYSO: Shirkadda duullimaadyada Thomas Cook oo musalliftey & warar kale

0

(Stockholm) 23 Sebt 2019 – Hay’adda duullimaadyada ka shaqaysa ee British-ka ah ee Thomas Cook, oo ah midda iska leh shirkadda duullimaadyada Sweden ee Ving ayaa ku dhawaaqday inay musalliftey. Taasi waxay ka dhigan tahay in gebi ahaanba la kansalay duullimaadyadii ay Ving samayn lahayd maanta oo Isniin ah, sida uu xaqiijinayo Fredrik Henriksson, Maareeyaha Warfaafinta Ving Group gaar ahaan gobolka Nordic-ka.

– Waxaan nahay qayb asaasi ah oo ka tirsan Thomas Cook, go’aanka haatan dhaqse u dhaqan gelayana wuxuu yahay in duullimaad kasta oo iyaga hoos taga la fariisiyo, waxaanse weli qiimayneynaa xaaladda, annagoo ku dhaqaaqayna go’aankii nala soo gaarsiiyo si dib loogu bilaabo duulimaadyada, ayuu yiri Fredrik Henriksson.

Fredrik Henriksson oo sharraxaya waxa uu ula jeedo in duulimaadyada ey dib u bilaabaan ayaa sidan ku macneeyay jawaabtiisa.

– Shirkadda kacday ama musallifantay waa shirkadda Thomas Cook Group. Annagu waxaannu nahay qayb ka madax bannaan oo macaamiishayeda qaar ka mid ahi ku duuleyaan shirkadda dayuurradaha ee Thomas Cook Airlines. Iyagu waxey waxey go’aan ku gaareen iney duulimaadyadooda dhammaan joojiyaan laga bilaabo isniinta maanta. Annaguse waxaannu qiimeeyneynaa haddii ay jiraan suurtagallo si dhakhso ah duulimaadyo loogu tallaabsan karo. Balse weli nooma kala cadda.

Sida uu sheegay Fredrik Henriksson, waxay tillaabadani maanta oo qura saamaynaysaa ilaa 3,000 oo musaafir ah oo Swedish ah kuwaasoo horay u jartay tigidhada Ving, isla markaana kala duuli lahaa guud ahaan dalka, gaar ahaan 3-da magaalo ee ugu waawayn Sweden ee Stockholm, Gothenburg iyo Malmö. Waxay kaloo arrintani saamaynaysaa ilaa 800 oo shaqaale ah oo Swedish ah iyo ilaa 2,000 oo dibedda ka howl gala.

Halkanna ka dhegeyso warar googoos ah…

Hadalsame Media