WAR CUSUB: Maamul-goboleed urursanaya haweenka GAROOBBADA ah ee carruurta haysta!!

0

(Kiel) 21 Sebt 2019 – Maamul goboleedka Schleswig-Holstein ayaa dhawaan Qaxoonti u ka soo qaadan doon Xero qaxoonti oo ku taala Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Tirada hordhaca ah ee uu gobolkaasi soo qaadan doono waa 85 qaxoonti oo kala ah Suuriyaan, Saudaan, Soomaali, Eritrean iyo Koonfurta Suudaan
Waxaa la qorshaynayaa in bisha Nofeember la soo qaado oo ay soo caga dhigtaan wadankan Jarmalka sanadka cusub ee 2020 ayaa sidoo kale gobolkaasi Schleswig-Holstein uu soo qaadan doonaa qaxoonti gaaraya 500 Qof oo u badan Dumar iyo ilmo ah kuwa dhibtu sidda gaarka ah usoo gaadhay kuwaas oo ku sugan xeryo qaxoonti oo ku yaala Magaalada Qaahira

Sidoo kale Dumarka la soo qaadan doono ayaa u badanan doona (Alleinerziehende mit Kindern) Garoobo Caruur haysta iyo Dumarka isku buuqa ka qaaday xadgudubyo loo gaystay.

Si kastaba ha ahaatee bisha 11aad ilaa 12aad ee Sanadkan ayaa qaybta u horaysaa soo gaari doona gobolkaasi wixii intaa ka danbeeya ee 2020kana waxaa soo gaaro doona ilaa 500 Xaqoonti ah.

Sidaasi waxaa laga soo wariyay wasiir ka tirsan Maamulka Gobolka Schleswig-Holstein ee Waaqooyiga Jarmalka oo ka tirsan xisbiga CDU

Isha: SNG-Mohali/ Somali News Germany

Hadalsame Media