Nin Maraykan ah oo cashar lama ilaawaan ah u dhigay Waaxda Canshuuraha Maraykanka! + Sawirro

0

(Virginia) 17 Sebt 2019 – Nin u dhashay dalka Maraykana oo magaciisa la yidhaa Nick Stafford ayaa waxa ay dawladu ku cashuurtay lacag dhan $3000 oo doollar, balse isagu kuma qancin go’aankaasi.

Ha yeeshee, si uu u muujiyo cadhada uu ka qabo lacagtaas lagu cashuuray ayaa waxa uu cashuurtii ku bixiyey lacag shilimaan ah oo isugu jirta 1, 2 iyo 10 senti waana uu isku soo dhex qasay si aan loogu xisaabin karin miisaan.

300,000 oo xabo oo shilimaan ah ayaa uu ku soo qaaday shan kaaryoon, tirinteeduna waxa ay qaadatay toban saacadood oo xidhiidh ah.

Ninkan lug gooyadiisa ayay aad dunidu uga yaabtay iyadoo aad caalamka looga hadal hayo.

Hadalsame Media