(Abqaiq) 14 Sebt 2019 – Weerar daroon oo lagu qaaday ceelal saliideed oo uu Sucuudigu leeyahay ayaa waxaa sheegatay kooxda Xuutiyiinta Yaman, taasoo soo dedejisey inuu Maraykanku ku hanjabo inuu weerarayo Iiraan.
Washington ayaa eedeeynaysa Tehraan, iyadoo uu senatarka dagaalka jecel ee Lindsey Graham, ku baaqay in la duqeey dalka Iiraan.
The gunshots and the explosions were heard by local residents at around 3 am this morning in Aramco compound near #Buqayq, #SaudiArabia. Some people I spoke to say there were about 12 explosions that rock the area. pic.twitter.com/0r27l2V2Zo
— ZaidBenjamin الحساب البديل (@ZaidBenjamin5) September 14, 2019
Waxaa la arkayay qaac iyo holac ka butaacaya wershadda ugu wayn caalamka ee lagu sifeeyo saliidda oo ay leedahay shirkadda dowladeed ee saliidda Sucuudiga ee Aramco, waloow ay Xuutiyiinta oo ay Sucuudigu weerar ku hayaan sheegteenna, waxay Washington markiiba eed kala dul dhacday Iiraan.
Wasiir Dibadeedka Maraykanka ee Mike Pompeo ayaa Tehraan ku dhaliilay wax uu ugu yeerey “weerar aan noociisa horay loo arag oo lagu qaaday halka ay kasoo baxdo saanadda tamareed ee caalamku” balse kama hadal inay qaadayaan wax weerar ah oo rogaal celin ah.
Yeelkeede, Graham isagu laba jeer kama fikirin inuu arrintan la tago barta Twitter-ka oo uu afka ku ciil boxo, isagoo ku baaqay weerar aarsi ah.
Iran will not stop their misbehavior until the consequences become more real, like attacking their refineries, which will break the regime’s back.
— Lindsey Graham (@LindseyGrahamSC) September 14, 2019

Hadalsame Media