(Addis Ababa) 11 Sebt 2019 – Jen. Berhanu Jula, oo ah Abaanduule Xigeenka Xoogga Itoobiya ayaa u sheegay Ethiopian Press Agency inay dhowaantan qabteen “xubno ka tirsan” kooxda Daacish oo ku jirtey gudaha Ethiopia.
Sida uu Jeneraalku sheegayo, waxay dhowr mar oo hore fashiliyeen isku dayo ay kooxdaasi ku doonaysay inay isku urursato oo iska abaausho meelo badan oo ah gudaha Itoobiya, isagoo sheegay inay isha si dhow ugu hayaan tashkiilin ay ku wadaan dadka maxalliyiinta ah.
“Waqti xaadirkan waxaan ka war haynaa waxa ay ISIS samaynayso, halka ay u socdaan, cidda ay la xiriireen, haybta ashkhaasta ay la xiriireen iyo magaalooyinka ay joogaan, waxa qorshohoodu yahay iyo xogo kale oo xasaasi ah oo aynaan HALKAN KA SHEEGAYNIN, marka la eego xeerka xadidan ee sirdoonka,” ayuu EPA u sheegay Jeneraal Berhanu.
Wuxuu sheegay inaysan habeenna ka hurdin maalinna ka harsan ilaalinta shacabka Itoobiya. “Xubnaha Xoogga Dalku fasax ma galaan, mana jiro waqti ay nasiino ku jiraan.” ayuu raaciyay.
“At the moment members of #ISIS, what they are doing, where they are moving around, who they have established contacts with, the identities of their members in cities and what their plans are, as well as what they are doing, are under our strict surveillance,” Gen. Berhanu Jula pic.twitter.com/l9JqwHFjuc
— Addis Standard (@addisstandard) 11 september 2019
Hadalsame Media