(Hadalsame) 05 Sebt 2019 – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa hal arrin uga mahad celiyay RW Somalia Xasan Cali Khayrre oo haatan Dhuusamareeb u jooga furitaanka Shirka Dib u Heshiisiinta oo lagu wadey inuu shalay halkaa ka bilowdo, balse dib u yara dhacay.
Xil. Salaad oo ku sugnaa magaalada Hobyo ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray: ”Gunaanadkii iyo xiritaankii shirkii Nabadda Hobyo kadib waxaan hada soo gaarnay magaalada Dhuusmareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug si aan uga qayb galno furitaan shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug.”
”Waxaan uga mahadcelinaynaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Khayre in uu dib noogu dhigay furitaanka shirka, si shirka Hobyo noogu soo gabangaboobo midka Dhuusamareebna uga wada qayb galno furitaankiisa.” ayuu daba dhigay.
Hadalsame Media