
(London) 04 Sebt 2019 – Boris Johnson ayaa iminka hareeraysan oo jidku ku sii yaraanayaa kaddib markii uu la kulmay laba caqabadood oo waawayn oo ay midi tahay in aan Baarlamanku ogolaan doonin in Midowga Yurub heshiis la’aan laga boxo iyo in la qabto doorasho deg deg ah, iyada oo aan arrinta hore la xallin.
Aqalka Hoose ee House of Commons ayaa waxaa haatan sutida u qabtay isbahaysi u janjeera in lagu sii jiro Midowga Yurub ama in heshiis lala galo, iyadoo ay Johnson ku fallaagoobeen xubno ka tirsan isla xisbigiisa Muxaafidka ee Torries, waxayna gacanta ku hayaan heshiis qabyo ah oo codsanaya in ugu yaraan la kordhiyo xilliga ay Britain uga baxayso EU oo haatan ah 31-ka Oktoobar, iyadoo loo riixayo ilaa 31-ka Jannaayo 2020.
Xildhibaannada ayaa u codeeyay in sharcigan oo Johson oo aad qoorta u taagaya khasab kaga dhigaya inuu gondaha qabsado Midowga Yurub laga doodo caawa, si haddii wax la isku fahmi waayo dhamaadka Oktoobar 19 muddada wada xaajoodka loo kordhiyo ilaa Jannaayo, waxayna codaynu noqotay 329 sharcigaa u codaysay iyo 300 diiddey.
Mr Johnson ayaa ku adkaystay in aanu marna EU muddo kordhin ugu geed fariisan doonin, isagoo taa biddaalkeeda doortay in la qabto doorasho deg deg ah Oktoobar 15, yeelkeede, taana waxaa hor taalla caqabad wayn, waayo si uu mooshinkaasi u meel maro waa inuu helaa 3 dalool oo 2 dalool xildhibaannada, waxaana durba inuu ka aamusayo ballan qaaday Xisbiga Labour Party.
Taasi waxay ka dhigan tahay in RW Johnson oo waayay aqlabiyaddii Baarlamanku, aanu laba arrimood oo miiska u saarnaa mideedna samayn karin, waana fulinta Brexit oo dookha 1-aad u ahaa, iyo haddii la waayo inuu qabto doorasho hormaris ah, waloow tan dambe laga doodi doono loona codayn doono caawa.
Dadka ka coddeeyay RW Boris Johnson waxaa ka mid ah 21 xildhibaan oo ka tirsan Xisbigiisa, kuwaasoo waloow ay xisbiga uga dhamaatay sharci ahaan misna araxda ku dhuftay qorshihiisa.
Waxay kala yihiin: David Gauke, Alistair Burt, Stephen Hammond, Philip Hammond, Margot James, Ken Clarke and Caroline Nokes, Rory Stewart, Anne Milton, Richard Harrington, Guto Bebb, Antoinette Sandbach, Sam Gyimah and Justine Greening, Richard Benyon, Steve Brine, Greg Clark, Dominic Grieve, Ed Vaizey , Nicholas Soames iyo Oliver Letwin.