Tirakoob hadda soo baxay oo BEENIYAY aragti laga haystay Soomaalida Minnesota

0

(Minneapolis, MIN) 03 Sebt 2019 – Soomaalida ku dhaqan Galbeedka ayaa inta badan la iskaga ridaa xukun ku salaysan inay yihiin ma shaqaystayaal cayr ku nool ah oo dul saar iyo dulin ah, kamana maqna 50,000 oo Soomaali ah oo ku dhaqan Minnesota oo kabdhood iyo bartilmaameed u ah saxaafadda carrabka afaysan leh ee muxaafidiinta Maraykanka.

Yeelkeede, Tirakoobka Qaranka Maraykanka ayaa muujinaya in Soomaalida – iyo guud ahaanba soo galootiga Minnesota – ay yihiin dad aad uga wanaagsan sida loo sawirayo, marka ugu yaraan la barbardhigo dadyoowga reer Yurub ee kasoo horreeyay.

Sida ku xusan sahan ay samaysay American Community Survey bishii hore, 87% qoysaska Soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqani waxay leeyihiin ugu yaraan hal qof oo shaqa taga. Taasi dabcan waa ka hoosaysaa heerka guud ee dalka Maraykanka, balse waa arrin aad uga sarreeysa filashadii la qabey marka la eego dhaliisha loo jeedinayay Soomaalida.

Marka loo eego Minnesotan-ka caddaanka ah – oo ay da’dooda celceliska ihi tahay 41 sano – kala bar dadka Soomaalidu waa 22 jir ama ka yar. Taasi waxay ka dhigan tahay in ay yihiin xoog shaqo iyo mid waxbarasho, iyadoo marka la eego tirakoobka heer gobol ay sanad kasta sara kacayso dadka shaqaysta ee Soomaalida ah.

Soomaalida ayaa dhanka kale dalkaasi u qabta adeegyo asaasi ah: waayo waxay ka shaqeeyaan howlaha heerkoodu hooseeyo oo aanay doonaynin dadka badankiisu. Taasi wuxuu tirakoobkani ku sheegayaa in 80% ay ku nool yihiin dakhli ka hooseeya heerka faqriga oo ah $20,600 sanadkii.

Taasi waxay ka hooseeysaa xitaa heerka ay DF Maraykanku u calaamaysay inay ka hooseeyo khadka faqriga oo ah inay $25,100 oo doollar sanadkii helaan qoys ka kooban 4 qofood.

Hadalsame Media