RASMI: Ante Rebic oo ku biiray kooxda AC Milan

0

(Milano) 02 Agoosto 2019 – Laacibka Ante Rebic ayaa waxaa lasoo wareegtey kooxda AC Milan oo kusoo qaadatay amaah ay iibsan karto, halka Andre Silva uu u waydaartey isla kooxda uu ka yimid ee Eintracht Frankfurt.

Laacibkan ayaa lagu qiimeeyaa qiyaastii €25m oo sidoo kale lagu qiimeeyo laacibka Silva oo ay mar soo baxday inuusan faya qabin markii uu caafimaadka marayay, balse waa arrin la xallin karo, marka waxay u muuqataa is dhaafsi toos ah oo isle’eg.

Rebic oo 25-jir ayaan ku cusbayn Serie A, maadaa uu usoo dheeley kooxda Fiorentina oo ka iibisey Eintracht Frankfurt sanadkii 2018, iyadoo iibkiisa ku lahaan doonta 30%.

Laacibkan ayaa kooxdiisii hore ee Eintracht seddexleey u dhaliyay kulankoodii DFB Cup ee fasalkan.

Hadalsame Media