Garoonka Jigjiga oo la ballaarinayo & duullimaadyo Somalia aadaya oo ka bilaabmaya (Qorshe cusub)

0

(Adis Ababa) 10 Sebt 2019 – Shirkadda Dayuuradaha Ethiopian Airlines ayaa ku dhawaaqday in la ballaarinayo xajmiga iyo qaadka Garoonka Dayuuradaha Jigjiga, kaasoo haatan u shaqeeya maxalli ahaan, balse la caalamiyaynayo.

Garoonka Jigjiga ayaa laga dhigayaa garoonka 1-aad ee ugu wayn dhulka Soomaali Galbeed iyo midka 5-aad ee ugu ballaaran guud ahaan garoomada ay Itoobiya ka taliso, isagoo ay ka horreeyaan 4 garoon oo kala ah midka Adis Ababa, Bahir Dar, Diri Dhaba iyo Maqalla.

Waxay kaloo shirkadda Duullimaadyada EA ku dhawaaqday in bishan Sebtembar ay diyaarisay qorshe ay ku bilaabayso duullimaadyo caalami ah oo ka duuli doona Jigjiga kuwaasoo aadi doona Somalia, waloow aysan sheegin magaalada ay Somalia ka aadi doonaan waxay u badan tahay gobollada Woqooyi Galbeed iyo Woqooyi Bari iyo meelo kale oo ka tirsan Gobollada Dhexe.

DF Somalia ayaa beri dhowayd soo saartay diidmo ku saabsan in EA aysan isu mari karin laba magaalo oo gudaha Somalia ah, taasoo ka hor jeedda sharciga u degsan duullimaadyada caalamiga ah, balse taa biddaalkeeda ay ka noqon karto magaalada ay kasoo degto.

Hadalsame Media