DHEGEYSO: Hindise ka dhan ah qaxootiga Sweden oo la keenay & warar kale oo xul ah

0

(Stockholm) 29 Agoosto 2019 – Xildhibaannadda Amineh Kakabaveh oo shalay lagu dhawaaqay in laga doodayo in laga saaro Xisbiga Vänsterpartiet ayaa sheegtay inaysan wixii hadda ka dambeeya ka tirsanayn xisbigaasi, isla markaana aanu xisbigu u baahnayn inuu wax go’aan ah oo rasmi ah ka gaaro cayrinteeda.

Kakabaveh ayaa sidoo kale tibaaxday in aanay ka bixi doonin Baarlamanka dhexe, balse ay si caadi ah u dhamaysan doonto muddada ay dooran tahay ee ay sharciyadda u haysato. ’’Waan sii ahaanayaa Xildhibaanad qaran oo sida ugu wanaagsan uga dhabaynaysa kalsoonidii ay i siiyeen dadka isoo doortay.’’ Ayay tiri.

……………………………………………

Wiil 19-jir ah oo loo haysto inuu gacan ku lahaa dilkii loo gaystey haweenay ilmo yar sidatey oo subixii Isniintii lagu diley Malmö ayaa maxkamad lasoo taagey.

Wiilkan oo dafirsan dembiga loo haysto ayuu garsooruhu xukumay in xabsiga lagu sii hayo ilaa 5-ta bisha soo aaddan ee Sebtembar, goortaasoo la arkayo in uu dacwad ooguhu soo qorto codsi ku saabsan in la dheereeyo xilliga la haynayo.

……………………………………………

Xisbiga Moderaterna ayaa soo jeediyay hindise la xiriira in aad loo yareeyo tirada dadka Sweden magangelyada ka hela, isla markaana aaney ka badan inta u dhexeeysa 5 000 illaa 8 000 sanadkii.

Xisbiga ayaa shir jaraa’id ku soo bandhigy hindise shan qodob ka kooban oo salka ku haya sidii loo dhimi lahaa tirada qaxootiga, waxaana ka mid ah in jaran jaro loo soo maro sida lagu galo nidaamyada ceeymiska dalka, in la dheereeyo xilliga qaadashada dhalashada dalka Sweden iwm:

Tobias Billström, oo ah guddoomiyaha xildhibaannada xisbiga ayaa ka hadlaya. ‘’Waxaa sidoo kale ku jira in dib u eegis lagu sameeyo in dib loola laaban karo baasaboorka dembiyada qaarkood sida argagixisada, sida uu sheegay Tobias Billström, guddoomiyaha xildhibaannada xisbiga.

 

Hadalsame Media