WAR CUSUB: Ilhaan Cumar oo markii ugu horreeysey ka hadashay xamxamta nolosha qoyskeeda ku saabsan!

0

(Washington, DC) 28 Agoosto 2019 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar ayaa beenisay in ay kala tageen ninkeeda iyo inay isla markaa ay shukaansato nin gacan wayn ka gaystay ololaheedii dhinaca Siyaasadda.

Inkasta oo ay Ilhaan Cumar horay u diiday in ay uga hadasho arrimaheeda gaarka ah, haddana Wargayska New York Times ayaa maqaal uu qoray ku sheegay in Ilhaan ay si adag u beenisay jiritaanka kala tagga ninkeeda.

Waxay sidoo kale beenise in ay shukaansato Tim Mynett oo ay xaaskiisu Dr. Beth Mynett shaacisay in ay ka go’day ninkeeda bishii April ee Sanadkaan kadib markii uu u sheegay in uu Jacayl u qaaday Congress Waman Ilhan Cumar

Dr. Beth Mynett ayaa waxaa ay maxakamda ku taala magaalada Washington u gudbisay Dacwada furiin oo ka dhan ah Tim Mynett taasi oo dhagaysigeeda koowaad uu dhici doono 7-da bisha Oktoobar ee Sanadkaan.

“Wax dan ah kama lihi inuu sii socdo ka hadalka noloshayda gaarka ah, marka diyaar uma ihi inaan ka hadlo,” ayay tiri Cumar oo la hadlaysey WCCO.

Hadalsame Media