DEG DEG: Heshiis 3 qodob ah oo kasoo baxay kulan ay yeesheen kooxda Ahu-sunna (Macallin Max’ud oo arrin lama filaan ah ku dhaqaaqay)

0

(Dhuusamareeb) 28 Agoosto 2019 – Shir wakhti badan qaatay oo galabta illaa caawa magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan xarunta Madaxtooyada Inji uga socda hoggaanka Ahlusunna ayaa soo idlaaday waxaana ka soo baxay sidaan:

1 – In Hoggaamiya Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan uu tanaasulay.

2 – In Arrimaha socda iyo dhismaha maamulka Galmudug uu Ahl-usunna wakiil uga yahay Sheikh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire Al-ashcari.

3 – In ammaanka magaalada aan lagu gorgortamin oo markasta la ilaaliyo nabad-galyada.

Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Hoggaamiyaha guud ee Ahlu-sunna
Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Madaxa Fulinta Ahlu-sunna Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire Al-Ashcari iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, sida uu ku warramayo Maxamed Cabdi oo aannu xogta ka helnay.

Waxaa sidoo kale jira kulan kale oo u socoda Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha iyo Sheekh Shaakir arrinta dowladda iyo kooxda Ahlu-sunna looga hadlaayo waqti xaadirkan.

Hadalsame Media