Somalia oo amaan caalami ah ku mutaysatay horumar ay ka samaysay DAAH-FURNAANTA dhaqaalaha

0

(Muqdisho) 27 Agoosto 2019 – Dalka Somalia ayaa kamid noqday 13 dal oo horumar wanaagsan ka sameeyay daah-furnaanta dhaqaale ee qiimaynta lagu sameeyay qaybta hore ee sanadkan 2019, sida ay soo saartay DF Maraykanku.

Somalia ayaa gashay liiska dalalka horumarka wayn ka sameeyay daah-furnaanta dhaqaalaha (fiscal transparency), sida ururinta dakhliga, kharash garayntiisa iyo sida ay u wajahdo khayraadkeeda qandaraas goyntiisa iyo maamulista dakhliga kasoo xarooda.

Arrintan ayaa noqonaysa tillaabo ay horay u qaadday DF Somalia, iyadoo ay Somalia muddo badan kusoo noqnoqoto liiska dalka dunida ugu musuqa badan. Halkan ka akhri warbixinta asalka ah.

Hadalsame Media