Somalia waa inay Golaha Amaanka ka codsataa hal arrin oo Kenya u daran (Talo ku saabsan Doorashada 2021)

0

(Hadalsame) 26 Agoosto 2019 – MAXAA LA GUDBOON GOLAHA AMAANKA QARAMADDA MIDOOBAY?

Golaha Amaanka Qaramadda Midoobay, waxay ku qasbanaan doonaan In go’aan laga gaaro dowladaha ku dhex dagaalamaaya Soomaaliya, hadii la doobaayo in Soomaaliya ay nabad noqoto.

Arimaha muhiimka u ah dalka Soomaaliya waxaa ka mid ah:

1 – In laga joojiyo faro gelinta dowladaha Khaliijka sida Qatar, Emaratiga iyo Sacuudiga ayku hayaan siyaasadda iyo amaanka dalka Soomaaliya.

2 – In Kenya iyo Ethopia guud ahaan dalka laga saaro.

3 – In ciidanka Dalka Soomaaliya la xoojiyo, si looga maarmo ciidamadda Amison lagana saaro Soomaaliya.

4 – In Doorashadda 2021 ay noqoto mid qof iyo cod, hadeey taasi dhici weeydo In dalka loo dhiibo Guddi ka kooban 21 aqoonyahano si dalka ay u gaarsiyaan inuu yeesho nabad, dastuur iyo doorasho qof iyo cod tasoo la mid ah gudigii Libiya oo meesha kaga saaro Golaha baarlamaanka.

Arrimaha Nabada waa inay wadaan sida Turkiga, Maraykanka iyo Qaramada Midoobey.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media