Tuhun ka taagan cidda dishey & qaabka loo diley wiil Soomaali ah oo lagu khaarajiyay Minneapolis

0

(Minneapolis, MIN) 24 Agoosto 2019 – Dhiigga qofka muslimka ah ma qarsoomo mana qasaaro aakhiro iyo adduun toona, mana ah mid la isaga hadhayo aakhiro iyo maxkamadda Alle hortiisa, adduunyadana karaan iyo awood, caddeyn iyo markhaati, cadgoyn iyo caddaalad lagu ciqaabo inta abaabushay iyo inta dilkiisa fulisay Ilaahay Swt haku simo baadhayaasha gacanta ku haya kiiskiisa ugubka ah.

Way adagtahay in geerida Cabdinuur laga soo waaqsado, waxaanan marnaba la goyn karin waxa aqoon, dedaal iyo hawlkarnimo Ilaahay ku mannaystay addoonkaa sharafta leh ee muuminka ah, Aabbaha ah, Seyga ah islamarkaana baraha iyo macallinka ah.

Dil qorshaysan oo laga soo shaqeeyay, islamarkaana aad u abaabulan ayuu ahaa.

In qof ku sugan guriga qoyskiisu degen yahay ee ku nool yahay lagu weeraro, xilli la og yahay in uu kali ku yahay oo aanay carruurtiisa & marwadiisuba ku sugneyn, islamarkaana xabbado lagu shaandheeyo, kuma tusayso oo qudha cadaawad iyo naxariis darro kali, waxaase ku lammaan inay tahay wax muddo lagu hawlanaa, iyo in marxuumka la daba socday tallaabo kasta oo uu qaado isaga iyo inta la nool ba.

Aad baan uga xumahay iina xanuujinaysaa in walaalkay cidlo laga heley, wakhti aanu hiil u dhaweyn, hiilka Alle ayaase weyn.

Dilka Cabdinuur ma ahayn mid lagu meteli karo tuugo usoo dhacday oo xatooyo beegsi ah, waayo tuuggu dil kuma soo tala galo haddii aanay ku kalifin, hubkana waxaa uu u qaataa inuu wax isaga waabiyo, iyo inuu cidda markaa uu dhacayo ku bajiyo inta uu dantiisa gaadhayo,

Tani se sidaa ma ahayn, mana ahayn sidoo kale mid qof lagu khalday, waxaananse garanayn oo la yaab leh waxa xaaraantimeysan ee lagu goyn karo Cabdinuur oo kale.

Cabdinuur Ilaahay ha u naxariisto, adeege bulsheed ayuu ahaa, jaaliyadiisana wax gashaday, muslimiintana anfacay,.

Wuxuu ahaa ninka kaligii u istaagay inuu Masjid Al-rawdah ka dhiso Minneapolis ee dhamaystiro, Ilaahay na ku guuleeyey, carruurta Soomaaliyeed ee uu macallinka u ahaa ayaa xusi doonta, kuwa uu xannaanada Islaamiga ah u furay ee tarbiyada islaamka iyo dhaqanka Soomaaliga ah ku ababaya ayaa uu Ilaahay ajar ka siinayaa idamka Alle, waalidiinta ubadkaas dhalay ee uu Ilaahay sabab uga dhigay in dhallaankoodu gacan shisheeye ka badbaadaab ayaa u duceynaya.

Ducaddiina ka timid quluubta daahirka ah Weynuhu ha u aqbalo.

Waxaa Diyaariyay: Khaliif Faarax Xayir

Hadalsame Media