(Hadalsame) 24 Agoosto 2019 – Wargayska kasoo baxa Turkiga ee Daily Sabah ayaa lagu qoray maqaal dheer oo sida ka muuqata uu qoray qof aan war badan haynin, kaasoo uu Hadalsame kasoo saaray ilaa dhowr beenood, annagoo ka eegayna xagasha ka khuseeysa Somalia.
1 – Wuxuu qorayaa in Sucuudiga iyo Qadar ay si furan iskugu qabteen Somalia, taasoo keentay buu leeyahay inay Sucuudigu aqoonsadaan Somaliland, oo ah gobol yar oo ka tirsan Somalia, sida ku qoran. Ma jirto meel ay Sucuudigu ku aqoonsadeen Somaliland, ama xitaa ku sheegeen wax u eg taas.
2 – Waxaa ku qoran in Somaliland iyo Jubbaland ay yihiin laba gobol oo leh ismaamul hoosaad, balse doonaya inay ka go’aan Somalia. Sida aannu ognahay Somaliland unbaa ka jira gobol sheegta inuu doonayo inuu ka go’o Somalia.
3 – Qadar ayaa sheegtay inay dhisayso dekedda Hobyo, balse wuxuu wargayskani sheegayaa in Hobyo ay u dhowdahay Marinka Bab-el-Mandeb iyo in uu Sucuudigu kasoo horjeestey mashruucaasi oo uu ku sheegay ”mid lagu naas nuujinayo argagixiso. Hobyo juqraafi ahaan uma dhow Marinkaasi, dekedda Soomaaliya ugu dhow waa midda Berbera, sidoo kale intaan ognahay ma jiro war kasoo baxay Sucuudiga oo lagu dhaliilayo mashruucaasi.
4 – Waxaa ku qoran in uu Sucuudigu aqoonsaday ”Baasaboor ay samaysatay Somaliland” isla markaana ay si rasmi ah dalkeeda ugu soo dhowaysey MW Muuse Biixi. Sida uu Hadalsame xaqiijin karo marna Sucuudiga si rasmi ah uma soo dhowayayn Muuse Biixi, taa biddaalkeeda waxay Sucuudigu si rasmi ah usoo dhoweeyeen Wasiirro ka socdey DF Somalia.
5 – Wuxuu qoraalku xusayaa in ay DF Somalia iska diiddey $80 milyan oo doollar si ay Somalia uga noqoto go’aankii ay dhexdhexaadka uga noqotay xasaradda Khaliijka, taasoo keentay inuu Sucuudigu qaado tillaabooyin ka dhan ah Somalia. Intaan ognahay waloow aysan Somalia raacin soo jeedintii Sucuudiga, misna taasi waxba uma dhimin xiriirka Sucuudiga iyo Somalia oo aan awalba ka badnayn xoolahaa yar ee marna la fasoxo marna la xiro iyo booqashooyin ay madaxda Soomaalidu ku tagaan.
Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media