Dhismaha jidka isku xiraya Xamar & Afgooye oo dib loo bilaabay & isbedello waawayn oo la sameeyay + Sawirro

0

(Muqdisho) 24 Agoosto 2019 – Waxaa dib usoo noqotay howshii lagu dhisayay jidka isku xiraya Muqdisho iyo Afgooye oo yara hakatay kaddib weerarkii lagu qaaday Xarunta Xamar oo uu ku dhintay Guddoonkii Gobolka oo haatan beddelkiisii la magacaabay.

Waxaa meesha uu dhismuhu ka soconayo la keenay qalab hor leh oo dhisme, waxaa sidoo kale la bedeley ciidamadii kala jaadka ahaa ee ilaalinayey howsha socota, kuwaasoo dadka lugeeynaya siin jirey amarro kala duwan (Mar soco! mar noqo!).

Sida ay noo sheegeen dad goobjoog ah, waxaa haatan lagu bedeley ciidamo booliis ah oo uu Turkiga tababaray oo aad uga anshax badan kuwii hore, iyadoo dadka jidka ku safraya loo fasaxay inay maraan dhinaca ay shaqadu ka socoto maahane dhinaca kale.

Waxaa kale oo la bedeley labadii khad oo markii hore la isla wadey, balse haatan laga dhigay in midba mar la dhiso.

Ha yeeshee, dadwaynaha ayaa la sheegay inay qashin soo dhigayaan jidka agagaarkiisa xitaa meelo u dhow goobta uu dhismuhu ka soconayo.

Lacagta jidkan ku baxaysa ayaa waxaa ku deeqday dowladda Qadar.

Hadalsame Media