QORMO: ”Inaan Goobwayn u dalxiiso kama quusanin, balse waxaan ka xumahay inay dalal shisheeye isku haystaan!” + Sawirro

0

(Hadalsame) 21 Agoosto 2019 – Waa kaligeey oo Cidi ilama joogto. Waxay Maskaxdeydu mashquul ku tahay Dhageysiga, Fahamka Erayada iyo hab dhaca musigga Heesaha Fannaanka Ismaaciil Cabdi Giir oo loo yaqaan ‘Ismaaciil Yare’.

Heeso dhowr ah oo uu ku luuqeynayo ayaan mid ba mar dhageystay, walow aan badi garanayey. Ha yeeshee mid igu cusub baa dareenka Maskaxdeyda ku dhegtay. Waa hees macaan oo ka sheekeyneysa Deegaanka quruxda badan ee Goobweyn oo Magaalada Kismaayo u dhow.

Goobweyn, waxaa meesha uu Webiga Jubba sida uu u socdo kaga darsamo Badweynta Hindiya.

Waa deegaan aan markasta ku hamiyo inaan mar uun tago oo aan ku dalxiiso, laakiin macaansiga Heesta aad Erayadeeda hoos ka arki doontaan, malaheyga Maalin aan ahayn tii aan ku haminayey bay ku beegantay, oo maxaa dhacay.?

Heesta intaanan helin ka hor, waxaan akhrinayey Warar ku saabsan Xaalka Siyaasaadeed ee Kismaayo maanta ku jirtay. Ciidamo Qadaadweyn iyo Xabashi isugu jira ayaa Garoonka diyaaradaha isku hor fadhiya.

Labada Ciidan waxay kala taageerayaan labo nin oo Soomaalida hoggaamiyeyaashooda ka mid ah.

Inaan Goobweyn tago kama quusan, waanse ka murugooday waxa laga soo sheegayo Meesha aan ku dalxiis is leeyahay.!!

Hadduu godan jacayl yahay
Wuxuu gabar yahay noqon laa

Mid biyuhu ku gororaan
Sida Wabi Ganaanoo

Oo Gobolka Jilibeed
Isagoo garaara leh
Iska sii geddiyayee

Oo gaara beeraha
Guusheennu tahay ee
Laga helo gasiinkaa

Oo gacanta kula jira
Goob Wayn salkeediyo
Badda goonyaheedaa.

Waxaa Qoray: Qaasim Cabdulle Xuseen (Nero)

Hadalsame Media