SAWIRRO: Qadar oo wefdi heer sare ah Muqdisho usoo dirtay (Malaayiin lagu dhisayo Dekedda Hobyo)

0

(Muqdisho) 19 Agoosto 2019 – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Md Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ka socda dalka Qadar ee booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho.

Waxaa wefdigan hor kacayaWasiirka Arrimaha Dibedda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qadar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, waxaana ku jira xubno sare sida Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Dekedaha Qadar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti kuwaasoo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Wefdiga ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha DF Somalia Mudane Xasan Cali Khayre, waxayna xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku yeeshee  kulan ay uga wada hadleen adkeynta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya.

Qadar ayaa la sheegay inay bixinayso lacag dhan 170 milyan oo euro oo lagu dhisayo Dekedda Hobyo.

Horraantii bishii Deseembar ee sannadkii 2018 ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Qadar waxay magaalada Dooxa ku lala saxiixdeen heshiisyo kala duwan oo ay mashaariic badan uga fulinayso Somalia.

Hadalsame Media