(Muqdisho) 19 Agoosto 2019 – Xildhibaanka Mahad Salaad ayaa soo jeediyay in sida uu yiri ”laga faa’iidaysto” wax uu ku sheegay ”fursad dahabi ah” oo uu sheegay inay soo martay umadda Soomaaliyeed.
Wuxuu Salaad boggiisa Facebook kusoo qoray sidatan: ”Fursad dahabi ah ayay u tahay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Galmudug dhismaha dekada Hobyo. Waxaan uga mahadcelinaynaa Ra’iisul Wasaarada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre dadaalka uu ku bixiyay in arintaasi maanta ay suurogasho.”
Wuxuu intaa daba dhigay: ”Sidoo kale waxaan uga mahadcelinayaa dowlada aan walaalaha nahay ee Qatar maalgelinta mashruuca lagu dhisayo dekada Hobyo.”
Hadalsame Media