Madaxwaynayaasha Jabuuti & Somalia oo kulmay + Sawirro

0

(Jabuuti) 19 Agoosto 2019 – Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta magaalada Jabuuti ku yeeshay wadahadallo ku aaddan sare u qaadidda xiriirka xooggan ee labada dal.

”Madaxweyneyaashu waxay ku heshiiyeen in la sii dardargeliyo iskaashiga labada dal oo ah mid ku dhisan walaaltinnimo iyo wax wada qabsi” ayuu u dhignaa war kasoo baxay dhanka DF Somalia.

Labada dhinac sooma saarin wax kale oo intaa dhaafsiisan oo ku saabsan kulankooda.

MW Farmaajo ayaa la sheegay inuu ka qayb gelayo sanad-guuradii 19-aad ee kasoo wareegtey shirkii dib u heshiinta Somalia, oo ay ka dhalatay dowladdii Cabdi Qaasim oo waloow aanay si saaxi ah u shaqaynin misna gundhig u noqotay soo noqoshada dowladnimada Somalia oo xilligaa kahor gebi ahaanba meesha ka maqnayd tan iyo 1991-kii.

Hadalsame Media