DEG DEG: Dayuurad la sheegay in ”laga celiyay” Garoonka Dayuuradaha Kismaayo

0

(Kismaayo) 19 Agoosto 2019 – Warar ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dayuurad ay Itoobiya leedahay oo aan faahfaahin gaar ah laga bixin laga celiyay garoonka Dayuuradaha Kismaayo.

Dayuuraddan ayaa la sheegay inay siddey rakaab aan la carrabaabin oo ku socdey magaalada Kismaayo oo xarun KMG ah u ah maamulka Jubbaland, xilli ay taagan yihiin doodo ka dhashay doorashada madaxtinnimada maamulkaasi, sida uu xaqiijiyay weriye Haaruun Macruuf.

Garoonka Kismaayo ayaa waxaa ku sugan maliishiyaad hoos taga maamulka Axmed Madoobe oo ay taageerto dowladda Kenya.

Dowladda Kenya ayaa geed kore iyo mid gaabanba u fuulaysa inuu xilka sii hayo Axmed Madoobe oo ay cod dheer ku sheegtay inuu yahay ”nin u taagan danteeda” gaar ahaan dhanka muranka Badda ee ay ku sheeganayso dhul badeed ka tirsan koonfurta Somalia.

Hadalsame Media