AAN FARAGELINNO: ”3 nin oo Kenyan ah ayaa ka qayb gelaya doorashada Jubbaland!” – Saxaafadda Kenya oo si qaawan uga hadlaysa arrimaha maxalliga ee Somalia (Maxaa la guddboon DF Somalia?)

0

(Nairobi) 19 Agoosto 2019 – Guleid Khalif, oo ah nin sheegtay inuu khabiir ku yahay wax uu ku sheegay ”siyaasadda Jubbaland” ayaa dowladda Kenya ka codsaday inay meesha ka saarto musharrixiin ka qayb ah doorashada Jubbaland.

Wargayska The Star ee kasoo baxa Kenya ayaa qoray in 3 nin oo Kenyan ihi ay ka qayb gelayaan doorashada Jubbaland oo lagu wado inay qabsoonto 24-ka Agoosto, si ay saamaynta geyigaasi ugula tartanto Somalia, Qatar, Ethiopia, iyo Kenya, isagoo Somalia ka dhigaya sidii dal shisheeye oo dalalkan kale ula siman Jubbaland.

Ninkan ayaa sheegay in ay Kenya tillaabo ka qaaddo 3 nin oo haysta baasaboorkeeda oo kala ah Mohammed Shakul, Mohammed  Marsheye, iyo Abdi Raage, kuwaasoo doonaya inay kursiga ka ritaan Ahmed Madobe oo ay Kenya wadato.

Guuleed Khaliif, ayaa Kenya kula taliyay inay soo farageliso arrintan oo ay nimankan ku khasabto inay ka noqdaan musharraxnimadooda.

“Waxaannu dowladda Kenya ka doonaynaa inay baaritaan ku samayso 3-daan tartame, waayo waxaa loo adeegsanayaa inay ka hor jeestaan danaha Kenya ee Jubbaland,” ayuu si kalsooniyi ku jirto ugu doodayaa Guuleed.

Raage ayuu wargayska The Star sheegay inuu u janjeersaday dhanka DF Somalia, isagoo tilmaamay in guud ahaan uu MW Farmaajo dabada ka riixayo musharraxnimada 3-daan nin oo reer Gaarisa ah ganacsina ku haysta halkaasi, sida uu qorayo.

Kenya ayaa caddaysatay in ay Madoobe u doonayso arrinta muranka badda iyo inay galaangal joogto ah ku yeelato gobolka Jubbaland oo ka mid ah kuwa ugu hodonsan Somalia, iyadoo aad ugu dadaalaysa inuu soo laabto Madobe oo xilka hayey tan iyo 2013, wax muuqdana aan ka qaban xitaa Kismaayo marka laga reebo guryo ay dad shacab ihi dhisteen, sida uu sheegay Faarax Macallin.

Ciidamada Kenya ee KDF ayaa lagu eedeeyaa inay qayb ka yihiin ganacsi mamnuuc ah oo lagu dhoofinayo dhuxusha iyadoo canshuur ka qaadata dekedda Kismaayo, jeer uu maamulkaasi diidan yahay inuu bixiyo canshuurta qaranka.

Qaabka ay saxaafadda Kenya ugu dhiirranayso inay uga hadasho arrinta Jubbaland ayaa muujinaysa inaysan ixtiraamaynin in ay Somalia tahay dal xor ah oo madax bannaan, iyadoo DF Somalia looga baahan yahay inay dhug u yeelato qaab-hadalka (narrative) saxaafadda Kenya oo dalkeeda u sawiraysa sidii mid xaq u leh inuu farageliyo siyaasadda maxalliga ah ee Somalia.

Hadalsame Media