Nin adeege makhaayadeed u toogtey inuu dalab fudud kala soo daahay + Sawirro (Meesha ay ka dhacday ayaa ka daran!)

0

(Paris) 18 Agoosto 2019 – Nin ka cashaynayay makhaayad ku taalla Noisy-le-Grand ee magaalada Paris, ayaa toogtey adeegihii kaddib markii uu kala soo daahay dalab ah rooti is dhex gelis ah (sandwich).

Shilkan oo dhacay habeennimadii Jimcihii, ayuu ninka macmiilka ihi ka caroodey in dalabka lagala soo daahay, sida ay goobjooggu sheegeen.

Adeegihii ayuu garabka xabad uga dhuftay, isagoo deeto ka cararay makhaayadda, iyadoo uu isla goobtii ku dhintay adeegaha oo 28-jir ahaa.

Booliiska oo loo yeerey ayaa xaqiijiyay inay furayaan baaritaan rasmi ah, iyadoo uu weli baxsad yahay ninka dilka gaystey.

Dad yaabban ayaa iskugu soo baxay bannaanka makhayaddan oo lagu iibin jirey Pizza-da iyo cunnooyin kale oo fudud.

‘Ma wuxuu u diley is dhex gelis?!!’ ayuu is waydiiyay qof dhakafaarsan oo ka tirsan dadkii isu soo baxay.

Hadalsame Media