Ilhaan Cumar oo Israel ku mitaashey midab-takoorkii South Africa (Dhaliil uga imanaysa dhanka Soomaalida)

0

(Washington, DC) 17 Agoosto 2019 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar ayaa mamnuucidda  Israeli ka saartay inay booqato halkaasi ku mitaashey, nidaamkii midab-takoorka ku dhisnaa ee South Africa oo hadda kahor xubin ka tirsan Koongarayska Maraykanka u diidey dal ku galka maadaama uu madow ahaa.

“Ma ogolaan karno arrintan, waayo waa isla arrintii hadda kahor South Africa loogu diidey xubin ka mid ah Koongarayska,” ayay Ilhaan kusoo qortay Twitter-ka.

Israel ayaa sheegtay inay haatan ogolaatay gabadha kale ee asal Falastiiniga ah, iyadoo sidaa u yeeshay wax ay ku sheegtay ”sababo aadminimo”, balse waxaa sideedii u taagan mamnuucidda Ilhaan Cumar.

Dad badan oo Soomaali ah oo Maraykanka ku sugan oo Hadalsame xog waraysatay, ayaa ku kala jaban hab-dhaqaaqa siyaasadeed ee xildhibaanadda.

Qaar ayaa Ilhaan Cumar ku dhaliilaya inay iska muquuranayso siyaasado caalami ah oo aysan wax badan ka bedeli karin, balse aysan marna soo hadal qaadin dhibaatooyinka sida gaarka ah u haysta Soomaalida Maraykanka, iyadoo ay Somalia ka mid tahay 6 dal oo Muslim ah oo haatan ka mamnuuc ah Maraykanka.

Dad qaar baa soo jeedinaya in waloow ay run yihiin waxyaabo badan oo ay ka shanqariso, ay misna tahay qof u nugul in la bartilmaameedsado ama gees loo riixo, sidaa darteed ay ku fiican tahay inay si xirfadaysan oo miisaaman u cayrsato waxyaabaha qaar.

Hadalsame Media