DHEGEYSO: ”Waxaa naloo tababaray 40 qofood!” – Masaajidda Sweden oo ilaalo samaystay! (Sabab?)

0

(Gothenburg) 16 Agoosto 2019 – Waxaa dalal ku yaalla Galbeedka kusoo badanaya siyaasadaha soo galooti nacaybka ah, kuwaasoo gaar ahaan dadka ugu badan ee u dhibban ay koow ka yihiin dadka Muslimiinta ah.

Tusaale ahaan, waxaa aad usoo noqnoqda masaajid la weeraro ama la isku dayo in la sharaf tiro oo waxyaabo qurun ah lagusoo tuuro ama la dhex dhigo. 10-kii bishan Agoosto masjidka Al Nuur ee magaalada Oslo ayaa waxaa soo weeraray 21 jir isir u dirir ah oo lagu magacaabo Philip Manshaus, kaasoo qoraal yar oo uu sameeyay weerarkan kahor ku sheegay inuu u riyaaqsan yahay ninkii Muslimiinta ku laayay Masaajid ku taalla magaalada Chrischurch ee NZ, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa 50 qofood.

Cabdi Xakiin Maxamed oo ka mid ah maamulka sare ee Masjidka ugu wayn magaalada Gothenburg ee Belevue iyo Dayib Xaashi Kediye oo ganacsi ku haysta meel u dhow masjidka ayaa ka warramaya in ay durba bilaabeen tillaabooyin fal-celin ah oo ay kaga gaashaamanayaan weerarro noocan ah.

Waxaa warbixinta diyaariyay soona jeedinaya Maxamed Xaaji.

Halkan ka DHEGEYSO…

Hadalsame Media