”Wiilka yari waa haftey!” – Booliiska oo warbixin hordhac ah kasoo saaray geerida wiil Soomaali ah

0

(Stockholm) 10 Agoosto 2019 – Warbixin hordhac ah oo loo adeegsadey dhecaano la qaaday ayaa lagu sheegay in wiilkii Soomaaliga ahaa ee 12-jirka ahaa uu haftey.

Wiilkan yar ayaa 5-tii bishan maydkiisa laga helay biyo shuur ku yaalla xaafadda Ösby, isagoo 2 maalmood kahor la waayay xilligaas.

Booliiska ayaa raalli gelin u diray qoyska wiilka yar ee dhintay iyagoo sheegay inay markii hore khaldeen u magac bixinta shilka, iyagoo sheegay inay dil tuhunsan yihiin.

Si kastaba, baarista ayaa weli sii soconaysa, iyadoo ay tani noqonayso natiijo hordhac ah.

Hadalsame Media