Inter Milan oo qaadatay Lukaku, Dzeko qarka u saaran (Laacib kale oo ay €90m ku doonayso)

0

(Milano) 09 Agoosto 2019 – Kooxda Inter Milan ayaa kaddib markii ay soo xasilisay laacibka Rumelo Lukako oo ay €75m ka bixiyeen, la sheegayaa inay waqti xaadirkan wada xaajood kula jirto qannaaska kalse ee Edin Dzeko oo ay qarka u saaran yihiin inay kusoo qaataan €20m.

Yeelkeede, intaa uun kuma joogsan doonto, sida uu qorayo La Gazzetta dello Sport, waxay qorshaynayaan inay soo qaataan laacibka khadka dhexe ee SS Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic.

Sida ku dhigan La Gazzetta dello Sport, Inter waxay doonaysaa inay €75m iyo bareemiyo isu gayn ahaan ku fariisanaysa €90m kusoo qaataan Milinkovic-Savic.

Inter ayaa doonaysa inay lacagtaa badankeed ka keento iibinta Joao Mario iyo Mauro Icardi, waloow uu xirmey suuqii kooxaha kaashka haysta ee Premier League, oo ay tahay inay meelo kale eegaan.

Hadalsame Media