Waxaa ku duntey buur ka culus daarta Empire State iyagoo ciidda ka hooseeya 2300 oo cagood (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 06 Agoosto 2019 – Bishii Agoosto 5-teedii oo maalin khamiis aheyd Sannadkii 2010-kii haatana mudo 9 sannadood laga joogo ayaa 32 nin oo u dhashey Reer Chile iyo Hal nin oo dalka Bolivia u dhashay iyagoo ka shaqaynaya 2300 cagood dhulka hoostiisa meel macdanta Coparka iyo dahabka Laga qodo oo loo yaqaaney (San Jose Coper Mining ) ayaa waxaa ku soo dumay Buur culayskeeda lagu qiyaasay 770,000 oo tan, kana Dheer 550 cagood.

Buurtaas ku duntay nimankaas waxay Laba jeer ka culays badnayd sarta ama daarta Dheer ee New York ee loo yaqaan Empire State Building.

Taas micnaheedu wuxuu ahaa inaysan suurto gal ahayn in si dhaqso ah looga soo saaro 33 daas nin ee godku ku dumay.

Dhibaatada ugu daran waxay ahayd Korontadii oo go’day, tuubooyinkii hawada u sifaynayey oo burburay, qalabkii ay dibadda kula hadli lahaayeen ee taarka iyo fooneeyaha oo go’ay iyo cuntada ay heli kareen oo ku filnayd 2 ilaa 3 maalmood.

Bini’aadamigu waa daciif markay noloshiisu halis gasho oo uu ogaado inuusan sii noolaan doonin oo ay geeridu hortimaado waxaa ka luma degenaanta, wuu isku dhex yaacaa oo marna maskaxdiisu kama fikirto bal inuu inta is dejiyo oo docihiisa dhugto uu raadiyo siduu xal ugu heli lahaa dhibaatada hor taal. 98% bini aadamigu markay geeridu u soo dhawaato oo uu xaqiiqsado isaga iyo dhimashada inaysan waxba u dhexayn wuxuu lumiyaa rajadda inuu noolaan karo.

Markaan eegno tusaale ahaan dadka cirbixiyeenada ah oo hawada sare loo diro waxaa la baraa aqoon kasta oo uu noloshiisa ku badbaadin karo sida Dhakhtarnimada, Injineernimada, Makaaniga, Elektriga, cimilada iyo kala duwanaanta hawooyinka, wax qarxinta, wax tolida, waxaas oo dhanse waxaa ka muhiimsan oo muddo 20 sano ka badan qofka la baraa inuu xakamayn karo caqligiisa xiliga cabsida dhimashadu soo foodsaarto.

Waxaa kaloo la baraa in xataa haddii hawadda uu neefsanayaa ay kaga go’ayso daqiiqad ka yar inuu is dajiyo oo daqiiqadaas Xal uu ku badbaadi karo helo.

Inta nabada iyo barwaaqadu jirto raggu kuligood waa laba xiniinyood, markaad qoys ama qabiil aad ka xoog badan tahay weeraraysid oo aad hubaysan tahay waxaa lagu yiraahdaa hebel waa geesi dagaal yahan ah.
Xiliga nabada nin kastaa madaxweyne, gudoomiye, agaasime ama maamule waa noqon karaa.

Laakiin markii god kugu dumo oo nolosha ay geeridu kaaga soo soka marto talada mustaqbalkaagana aad ogaatid inaysan gacanta kuugu jirin waxaad noqotaa qof aan qofkiisii hore ahayn.

Cabsida nolol ka quusashada ahi markay dadka ku dhacdo qaarbaa oohin la aamusin waayaa, kuwaa jeclaysta inay is deldelaan oo markiiba isku daya inay nolosha is dhaafiyaan intay tartiib tartiib u dhiman lahaayeen, qaarbaa kaadida iyo saxarada ceshan waaya, qaarbaa catow iyo qaylo iyo shalaay ku waasha, qaarbaa hadalku ku dhagaa oo iska gariira indhahana wax ka fiiriyo.Waa xiligaas xiliga uu soo baxo hogaamiyaha runta ah.

33-da nin markii hore waxaa xukumay oo Agaasime u ahaa nin Luise la yiraahdo oo 54 jir ahaa laakiin markii godku ku dumay oo geeridu soo dhawaatay wuxuu ka mid noqday kuwa cabsida salka dhulka la helay oo taako qaadi waayey.

Taladii 33da nin waxaa la wareegay Mario Gomez 63 jir ruug cadaa ah oo ku baraarujiyey kooxdaas inay isaga maqlaan maadaama uu xagga da’da ugu weyn yahay.

Wuxuu ku taliyey in talaabo kasta oo la qaadayo COD loo qaado oo haddii 16 iyo 16 la kala noqdo (32 COD ) in la raaco qoladii uu raaco qofka 33 aad ee dheeriga ah.

Walaal intaas ayaan ku hakinayaa qeybtii koowaad ee warbixintan la soco Beri qeybta labaad Insha allah.

La soco qayb kale…

Diyaariye: Cismaan Cabdixaliim

Hadalsame Media