SIR CULUS: Sucuudiga oo diyaariyay qorshayaal uu ku wiiqayo Turkiga (Waa arrin saamayn karta Somalia)

0

(Riyaad) 06 Agoosto 2019 – Nidaamka ka taliya Sucuudiga Carbeed ayaa si qrsoodi ah iskugu afgartay “tillaabooyin istaraatiji ah” oo ay ku bartilmaameedsanayaan Dowladda Turkiga, kaasoo uu dejiyay Mohammed bin Salman oo sheegay “inuu aad ugu dul qaatay” MW Recep Tayyip Erdogan xilligii khaarajintii Jamal Khashoggi, sida ku cad warbixin kasoo baxday Imaaraadka.

Sucuudiga ayaa fahamsan in Turkigu uu ku shiday dunida ilaa ay kala hadlaan nidaamka Riyaad oo markii dambe ku khasbanaaday inay si uun u qirtaan dilka weriyahaasi, waxaana weliba sii shiday CIA iyo Senetka Maraykanka oo sheegay in MBS uu yahay ninka amray dilka weriyaha, iyagoo adeegsanaya xog uu u gudbiyay Turkiga.

Xadidaadda saamaynta Turkiga ee gobolka

Riyaad ayaa doonaysa inay xadiddo saamaynta Erdogan ee gobolka, waxayna ku bilaabaysaa dhanka dhaqaalaha, iyadoo marka hore tartiib tartiib u joojinaysa maalgashiga Sucuudiga ee Turkiga, kaddibna dhimaya dalxiisayaasha Sucuudiga ee dalkaa taga oo ay u helayaan goobo kale, kaddibna waxay dhimayaan badeecooyinka Turki sameega ah ee ay soo dejistaan, waxaa kale oo ka mid ah in la dhimo saamaynta uu Turkigu ku leeyahay arrimaha Islaamka iyo gobolka, sida ku cad warbixin lagu qoray Middleeast Eye.

‘Erdogan wuu ku talax tegey magac xumaynta boqortooyada, gaar ahaan shakhsiyadda dhaxal sugaha’– ayaa lagu yiri warbixintan oo laga helay Emirates Policy Centre oo ah hay’ad aad ugu dhow nidaamka Imaaraadka.

Warbixintan, waxay Emirates Policy Centre ku doodaysaa in Turkigu aanu bixin “xog daacad ah oo cayiman”, balse taa biddaalkeeda “uu warbaahinta u dusinayay xogo marin habaabin ah” kuwaasoo looga gol lahaa “in lagu magac dilo laguna burburiyo sumcadda dhaxal-sugaha (MBS)”.

“Moowqifka ay CIA aqbalsan tahay waa in aanay tani dhici karaynin isagoo aan waxba ka ogayn ama ku lug lahayn,” ayuu yiri sarkaal sare oo la socday arrintan oo la hadlayay Washington Post.

Cadaadis bilowday & cunaqabatayn qarsoon

Todobaadkii tegey waxay Sucuudigu hor istaageen ilaa 80 gaari oo Turkish ah oo sidey dhar iyo maaddooyin kiimikaad, kuwaasoo ay u diideen inay Sucuudiga kasoo galaan dekedda Duba.

Waxaa sidoo kale dekedda Jiddah lagu qabtay ilaa 300 konteennar oo khudaari ka buuxday, sida uu MEE u sheegay sarkaal sare oo Turkish ah.

Waxaa sidoo kale hoos u dhacday tirsada Sucuudiga booqanaya Turkiga ilaa 15% (iyagoo kasoo dhacay 276,000 haatanna yimi 234,000) 6-dii bilood ee ugu horreeysey sanadkan 2019 oo qura, sida ay sheegtay Wasaaradda Dalxiiska Turkiga.

Sucuudiga ayaa maalgashi toos ah oo ilaa $2bn oo doollar ah ku leh gudaha Turkiga, sida ay muujinaysay xogta Wasaarad Dibadeedka Turkiga sanadkii 2018.

Sanaddaas, waxay Turkigu Sucuudiga u dhoofiyeen hanti ku kacaysa $2.64bilbn, halka ay kala soo degeen $2.32bn.

Waxaa kale oo jira ishaarooyin kale oo loo dirayo Ankara. Sida ku xusan warbixinta Imaaraatiga, “nidaamka Sucuudiga ka taliya waxay Erdogan u jareen xiriirkii tooska ahaa, iyagoo bilaabay inay ula dhaqmaan sidii cadow”, taasoo uu xitaa ogolaaday Boqor Salmaan.

Tusaale, shirkii heerka sare ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay Makah. Magaca Erdogan waxaa lagu daray liiska laga rajiimiyay shirkaasi, sida Bashar al-Assad, MW Iiraan Hassan Rouhani iyo Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Waloow ninka dambe markii dambe liiskaa laga saaray.

Yeelkeede, Dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay ka warqabto tillaabooyinka dhaxal-sugaha, iyadoo qoobka qoobka ugu haysa Boqor Salmaan oo ay xiriir toos ah la samayso, si joogto ah.

Erdogan ayaa Khamiistii tagtay telefoonka kula hadlay Boqorka isagoo wax ka waydiinaya badeecada Turkiga ee lagu dhegey, wuxuuna isla telefoonkaa ugu fidiyay casuumad uu Turkiga ku yimaado Boqorka iyo qoyskiisa.

Turkiga ayaa sidoo kale aaminsan in muwaadiniinta Sucuudigu aysan ka maarmin u dalxiiska Turkiga, xitaa haddii ay sidaa ku cadaadiso dowladda Riyaad.

SOO JEEDIN – Maadaama ay qorshaha ku jirto ”in la dhimo saamaynta Turkiga ee arrimaha Islaamka” Somalia waa inay iska jirtaa dabin kasta oo noocaas ah.

Khaliijka ayaa waxaa ka jira nidaamyo kali talis ah oo wax kasta u sameeya inay xilka ku waaraan, kuwaasoo marar badan loo adeegsado fashilinta danaha dunida Muslimka.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media