Inj. Yariisoow oo ugu dambayn aas qaran loogu sameeyay Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 04 Agoosto 2019 – Waxaa magaalada Muqdisho ugu dambayn aas qaran loogu sameeyay Guddoonkii Gobolka Banaadir Inj. Cabdiraxmaan Yariisoow.

Waxaa maydka Guddoomiyaha oo janaaso lagula dukadey gegada Aadan Cadde oo ay kasoo dejisey dayuurad C-17 ah oo ay leeyihiin Ciidamada Cirka Qadar dadkii halkaa kula dukadey u dhamaa madaxda sare ee dalka.

Inj. Yariisoow oo ka mid ahaa dadkii ku waxyeelloobey weerar qarax ahaa oo ka dhacay hoolka shirarka ee Xarunta Xamar ayaa 1-dii bishan ku geeriyoodey caasimadda Dooxa oo dawayn loogu qaaday.

Allaha u naxariisto. Aamiin.

Hadalsame Media