(Washington, DC) 03 Agoosto 2019 – Maraykanka ayaa isku dayay inuu u humbaalleeyo dalka Sweden oo xabsiga dhigtay fannaan Maraykan ah oo la yiraahdo A$AP Rocky. Mid ka mid ah xeeladaha ay isticmaashayna waxaa ka mid ah ku gooddinta “inuu xumaanayo xiriirka labada dal”, sida ku qoral warqado ay is dhaafsadeen labada dhinac oo uu helay CNN.
CNN ayaa heshay warqad uu qoray ninka arrimaha la haystayaasha ugu qaybsan Madaxwaynaha Maraykanka ee Robert C. O’Brien taasoo 31-kii Luulyo loo diray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Sweden, taasoo ay ku qoran tahay luuqad ka baxsan afka diblomaasiyadda iyo garsoorka iyadoo “Sweden laga dalbaday in ay kiiskan si deg deg ah u xalliso.”
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Sweden, Petra Lundh, oo warqaddaa ka af celisey Agoosto 1, 2019, ayaa difaacdey madax bannaanida garsoorka Sweden.
“Dacwad ooge, xitaa anigu, sooma faragelin karo kiis miiska saaran, ama iskuma dayi karo inuu saameeyo go’aanka qofka kiiska gacanta ku haya,” ayay u qortay Lundh oo warqadda Maraykanka ka jawaabaysa.
“Waxaa dheer, markii uu qof eedaysan yahay oo kiiskiisa maxkamad la hor keeno, maxkamadda unbaa go’aamin karta, inta lagu jiro iyo kaddib dacwadda, haddii qofka la daynayo iyo haddii kaleba.” ayay raacisay.
Fannaankan 30-jirka ah ee A$AP Rocky – oo uu magaciisa rasmiga ihi yahay Rakim Mayers – ayaa lagu haystaa inuu dad ku feerey jid ku yaalla Stockholm bishii Juun, isagoo ku doodaya in isaga iyo saaxiibadii ay is difaacayeen.
Wasaarad Dibadeedka Maraykanka oo arrintan la waydiiyay ayaa CNN ku tiri, “Kama hadalno xiriirrada diblomaasiyadeed ee la is dhaafsado.”
A$AP Rocky iyo laba kale oo la eedaysnaa ayaa haatan damaanad looga daayay Xabsiga Sweden isagoo ku noqday Los Angeles, iyadoo go’aanka maxkamadda la sugayo Agoosto 14.
Hadalsame Media