(Washington, DC) 03 Agoosto 2019 – Warbixin ay soo saartay Hay’adda Lacagta reer Galbeedka ee IMF bishii Luulyo 22, 2019, ayay kusoo bandhigtay qiimayneeda kobaca dhaqaale ee Somalia.
Waxay sheegtay in kalsoonidu ay soo hagaagayso, taasoo ka dhalatay isbedello joogto ah iyo dib u habayn la sameeyay iyo taageero dhaqaale oo caalami ah, gaar ahaan dhinacyada isgaarsiinta, ganacsiga, dhismaha iyo maaliyadda.
Yeelkeede, waxay sheegeen in roobkii guga oo aan si wanaagsan u di’in uu dhibaato ku hayo amaanka cuntada.
Wax soo saarka maxalliga ah (GDP) ayaa celcelis ahaan kordhay 2.8 boqolkiiba sanadkii tegey ee 2018 isagoo kasoo raayay 1.4 boqolkiiba uu ahaa 2017.
Haddii uu sanadkan roobku si saaxi ah u da’o waxay sheegtay IMF in GDP-gu uu kobcayo qiyaastii 2.9 boqolkiiba. Heerka sicir bararka ayaa la saadaaliyay 3% 2019. isagoo sanadkii hore ee 2018 ahaa 3.2%.
DF Somalia ayaa la sheegay waloow ay kordhisay canshuurta ay qaaddo oo sanadkii tegey korortay 30% marka loo eego 2017 ay wax aad u yar ku bixiso adeegga iyo daryeelka bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada, iyadoo lacagta inta badan ku bixisa mushaarooyin, taasoo aan boos u yeelaynin horumarinta bulsho ee loo baahan yahay, sida ay IMF sheegtay.
Waxaa dheer in DF Somalia ay ilaa iminka canshuurto hal gobol oo ah Banaadir, kaasoo ay xitaa amaankiisa hanan la’dahay.
#Somalia has taken another important step toward #debt relief. Watch the video to learn more or click here: https://t.co/N5YoynggWo pic.twitter.com/pPedA30lyv
— IMF (@IMFNews) August 1, 2019
In a challenging environment, #Somalia has launched important reforms to rebuild economic institutions, increase government revenues, and improve management of public finance: https://t.co/N5YoynggWo pic.twitter.com/WJvnCYJEaH
— IMF (@IMFNews) August 1, 2019
Hadalsame Media