(Nairobi) 03 Agoosto 2019 – Siyaasiga Faarax Macallin ayaa qish yar ka bixiyay cidda uu ku tuhmayo qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.
Wuxuu boggiisa Twitter kusoo qoray sidatan: ”ALLAH ha u naxariisto nafta Inj. Yariisow. Wuxuu ahaa horseed qiime badnaa oo muhim u ahaa soo noqoshada xarun sharci ah (Muqdisho) oo ay Somalia yeelato.”
”Adeegyadiisa iyo dhabar addaygiisa waxaa wada tebi doona muwaadiniinta oo dhan. Hindisayaasha dembigan xun allifey maalmohoodu waa tirsan yihiin.” ayuu daba dhigay.
Faarax Macallin ma adeegsan erayga argagixiso, balse wuxuu eedeeyay koox uu ku eedeeyay ”hindisayaal dembi xun galay”, lamana yaqaanno cidda uu ula jeedo.
Sida aannu xog hordhac ah ku hayno, waxaa jira dad ka mid ah kuwii amaanka ku shaqada lahaa oo qaraxan gacan ka gaystey, sida baarista hordhaca ah lagu sheegay.
Hadalsame Media