DHEGEYSO: Soomaalida Norway oo ka sheeganaysa hay’aadka & saxaafadda dalkaasi (Urur lagu dhawaaqay)

0

(Oslo) 03 Agoosto 2019 – Dalka Norway ayaa waxaa ku dhaqan dad Soomaaliyeed oo tiradooda lagu qiyaaso 30-40 kun, kuwaasoo MARAR badan ka sheegta dhibaatooyin ay ka mid yihiin waaliddiin carruurta laga qaato.

Dad dalkaa muddo dheer degganaa oo dhalashada Norsk laga xayuubiyo ama ruqsadda deganaanshaha lagala noqdo iyo saxaafadda dalka Norway qaarkeed oo la sheego inay si gaar ah u beegsadaan Soomaalida oo ay waynaysada dul dhigaan hab-nololeedkooda ama macaamilkooda iyo sida ay u wajahaan dalkan ay dhowaan galka ku yihiin.

Haddaba waxaa bartamihii bishii tagtay ee Luulyo magaalada Oslo lagaga dhawaaqay dallad ay ku midaysan yihiin 6 urur dhallinyaro, kuwaasoo la yiraahdo Norsk Somalisk ungdomsorganisajon ama Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Norway.

Farxaan Cali Xalane oo ah afhayeenka jamciyaddaa dhallinyarada ah ayaa isagoo ku sugan magaalada Oslo wuxuu BBC u faahfaahinayaa waxa uu yahay ururkan iyo ujeedka loo aasaasay.

Hoos ka dhegeyso warbixin uu ka sameeyay Maxamed Xaaji.

 

Hadalsame Media