(Hadalsame) 03 Agoosto 2019 – Xamse Usaame waxaa dilay Maraykanka, tabtii uu Maraykanku u dilay isaga aabbihii Usaame, waayo aabbihii buu ka dhaxlay halgankii la gu dilay. Xamse wiilal buu isaguna sii dhalay, la gana yaabee raggaasi in ay halganka jihaadka ka sii wadaan halkii aabbahood iyo awowgood dhigeen, iyo in iyagana Maraykanku sidii u laayo, ama u layn kari waayo. Usaama wax uu doonayay in uu xukunka Islaamka iyo talada Xarameynka ka qaado reer Aal Sacuud, wuuna karayay se gaalo awood badan baa ka hiilisay. Taariikhda Islaamka hore waa ay soo martay tan oo kale, gaar ahaan 500 sano ee u dambeeyay taariikhda dunida.
Asalka loollanka dawladda Islaamku ma ahayn diin ee wax uu ahaa siyaasad qabyaaladeed geeridii Rasuulka ka dib. Magaca diinta ayay qolo waliba huwan jirtay iyada oo diinta ka fog. Caawana waa Aal Sacuud iyo Aal Usaama. Si kale haddii aan u idhaahdo, asalka loollanku waa Carabta oo ka gaalowday dhaqankii dawladeed ee Quraanka iyo Nebi Maxamed scw amreen, ee ahaa “Wa amruhum shuuraa beynahum” – (Dawladdoodu waa showr – wadatashi – muslinka)”. Aayaddaa weligeed la gu ma dhaqmin, waana sababta halaagsanka muslinka.
Taariikhda Islaamka ee Carabtu dawladnimada diin-qabyaaladaysay waxaa ka buuxa qisooyin wada fajiciso leh oo ku saabsan sidii reeraha Carbeed dhexdooda taa u sameeyeen. Marka horeba wax ay samaysteen hadallo ay Xadiisyo ku sheegeen oo ay yidhaahdeen “madaxda Qureesh baa leh”. Kolkii ay Carabtii loollamaysay sidaa ku dulleeyeen wax ay samaysteen Xadiis kale oo Carabta dadka ka sarraysiinaya. Arrimahan edebdarrada ah xitaa Tafsiirka Quraanka ayay gashadeen. Mararkaas oo dhan aad ayau u ga fogaadeen qiyamka Islaamka.
Loollankaa dawladnimada la diimeeyay laakiin qabbyaaladda ahaa, xitaa dawladnimadii Cismaanida Turkigu aad bay u gu fogaatay, oo qoomiyadda Turkida ayaa Carabta la ga sarraysiiyay. Wax ay se ku dambaysay in tabtii qoysaska dawladaha Carabta reero dhan ama qabiilooyin dhan oo xukunka ku abtirsaday loo halaagay Cismaaniduna isu dabarjaraan.
Loollankan imika ka socda dhulka loo yaqaan Sacuudigu waa kii soojireenka ahaa oo aan biyo is marin, laakiin gaalo ka wada awood badani ku ciyaarayso. Soomaaligana kuwaa la gu ciyaarayo ayaa ku sii ciyaaraya.
Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf
FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan
Hadalsame Media