DAAWO: Ruushka & Maraykanka oo ku tartamaya gantaal halis ah oo horay loo mamnuucay (Heshiiskii oo ay ka bexeen)

0

(Washington, DC) 03 Agoosto 2019 – Xarunta Gaashaandhigga Pentagon ayaa ku dhawaqday in Maraykanku uu samayn doono gantaalo dhul ka cir ah oo horay loogu mamnuucay heshiiskii INF Treaty, isla maalinta uu heshiiskaasi dhamaaday.

“Hadda maadaama aan heshiiskii ka baxnay, Waaxda Daafacu waxay samayn doontaa gantaalahaas dhul ka cirka ah,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Pentagon.

Maraykanka ayaa ku marmarsooday inuu Ruushku ku tacaddiyay heshiiskii INF, isagoo sheegay inuu sidaa darteed uga baxay bishii Febraayo, isagoo sugayay 6 bilood oo ka harsanayd dhicitaanka heshiiskaa oo ahayd shalay Agoosto 2.

Gantaalaha uu heshiiskaasi soo saaristiisa mamnuucayay waa SSC-8, oo Ruushka looga yaqaanno 9M729, kaasoo uu Maraykanku Ruushka ku eedeeyay inuu si qarsoodi ah u sameeyay.

Hadalsame Media