
(Ankara) 03 Agoosto 2019 – Wadaad Soomaaliyeed ayaa farriin muhim ah u kala diray Soomaalida ku dhaqan gobollada Turkiga iyo qaar badan oo doonaya inay Turkiga tagaan.
Ninkan ayaa sheegay inay Turkigu guud ahaan Soomaalida jecel yihiin, balse misna uu ra’yigaasi si tartiib tartiib ah isu bedeli karo, sababo dhaqanka Soomaalida la xiriira darteed.
Waxyaabaha ay ka sheeganayaan waxaa ka mid ah inay carruur badan leeyihiin, taasoo ay xaq u leeyihiin, balse qoyskii oo awalba ballaarnaa ayaa waxaa kusoo biiraysa 2 qoys oo kale oo iyaguna min 10 ku dhowaad ah, taasoo uu dhibsanayo qofkii guriga laga ijaartey.
Waxaa kale oo laga sheegtay dhanka codka oo la sheegay inay Soomaalidu aad u qayliyaan gaar ahaan qoysaska carruurta leh, sidoo kale dhinaca nadaafadda iyo qiimaynta waxa uu dhibsanayo qofka kale, sida uu sheegay wadaadka oo tilmaamay inay u sir warrameen dad Turki ah oo ay arrimahan lasoo gudboonaadeen.
Soomaali badan ayaa beryihii dambe ku jabtay dalka Turkiga, kuwaasoo badiyaa ka kala yimaada qurbaha, balse waxaa jira dad Somalia ka soo guura.
Hadalsame Media