(Dhuusamareeb) 02 Agoosto 2019 – War haatan na soo gaaraya ayaa sheegaya in amaanka magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug si rasmi ah haatan loogu wareejiyay ciidamada DF Somalia.
“Ciidamada Kala Duwan ee ku Sugan Gudaha Magaalada Dhuusamareeb waxaa loo Saari Doonaa Banaanka Magaalada Waxaana Amniga Gudaha la Wareegaya Ciidamo Gaar ah oo Dowlada FS u Diyaarisey.” ayuu yiri Sh. Shaakir.
Wasiirro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale Isloow, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Madaxa Xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Guddomiyaha Guddiga dib u Heshiisiinnta Beelaha Galmudug Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi Baadiyow ayay kaga dhawaaqeen in amaanka magaalada Dhuusamareeb lagu wareejiyay DF Somalia.
Sida uu sheegay Wasiirka Gudeedka Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye, waxaa iminka lagu guulaystay in la isku dhafo Ciidamadda Booliska, Nabad Sugida iyo Millateriga oo ka wada shaqaynaya ammaanka magaalada.
Hadalsame Media