”Hebel dhibkayga ayuu u dhintay!” – Halla edbiyo AQLIGA abaarsaday ee umadda Soomaaliyeed!!

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2019 – Waxaa baraha bulshada heehaabaya qoraal uu nin wayni soo dhigay barta Fabebook, ninkaasi wuxuu ku doodayaa in geerida Allaha u naxariistee Inj. Yariisoow isaga lagu xumaynayo.

Annagoo aan waxba ku dheeraanin dhadhansiga waxa uu qoray aan aragtideenna u duwno dhanka in caqliyadda cawaran ee uu ninkani xambaarsan yahay aysan ahayn mid mar soo bax ah ama war naadir ah oo isaga ku eg, balse waa caqliyad muddo dheer sidaa sirgaxan loo abaabinayay oo ay xambaarsan yihiin dad badan oo Soomaaliyeed, weliba anigu ma rabo inaan isaga wax eed ah saaro, waayo wuxuu dhashay kaddibna koray iyadoo ay dad badan oo isaga ka wayni ay sidaa u fikirayaan, kaddibna sidaa ayaa la noqotay sida saxda ah ee loo fikiro.

Umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaanba aadanuhu waxay leeyihiin caqli asaasi ah oo haddii laga shaqeeyo aanad malayn karin waxa uu samayn karo, balse haddii aan sida saaxiga ah looga shaqaysiinin wuxuu u shaqeeyaa si sirgaxan, waanagaa maanta arkayna inuu QOF SOOMAALIYEED ISU DILAYO SI UU QOF KALE UGU XUMEEYO.

Waa caqliyad aan u bixiyay ’’ALLOOW NA GUB!’’ oo uu qofku ku fikirayo in uu isagu lug go’o intii uu mid kale oo uu neceb yahay ay wada ’FAA’IIDI’ lahaayeen, marka wuxuu qaadanayaa aragti ah intii hebel ila macaashi lahaa aan wada moosno. Nin baa laga sheegay ’’haddii aan arki lahaa 99 nin oo reer hebel ah oo naarta loo wado, haddii la yiraahdo 100 baa loo baahan yahay oo naarta waa ka badbaadayaan anigaa isku dari lahaa si ay 100 u noqdaan oo ay naarta u galaan.’’

WAXAA U BAAHAN NAHAY TOOSIN CAQLI AH!

In bulsho ay istaagto booska ay inta badan ku fikirto waxaa u daliil ah halka ay maanta Soomaaliyi joogto, ’’yaanu hebel macaashin, hebel baa i neceb, hebel baa i dagaya, dilkayga ayuu qorshaynayaa, anigoo i arki la’yahay iwm’’ waxay ka mid yihiin aragtiyaha qoonsiga ah (paranoid) ee uu xambaarsan yahay ninka aanu soo xusnay iwm.

Tusaale, dalka Japan kahor Dagaalkii 2-aad ee Dunida wuxuu ahaa dal inta badan ku shaqeeya inay dunida kale qabsadaan iyagoo aaminsan isla sarrayn isir ku dhisan, yeelkeede, kaddib Dagaalkii 2-aad ee Dunida markii ay kitaabkooda rasmiga ah midig ka heleen waxay ogaadeen inaysan cidna xoog ku muquunin karin, sidaa darteed waa bedeleen wajihitaankii iyo aragtidii ay nolosha ka haysteen, waxayna dabbeqeen aragti cusub oo ku dhisan ixtiraam, iskaashi, dadaal, waxbarasho iyo inay dunida nabad kula noolaadaan. Waxaana soo baxday Japan ay dunidu aad u ixtiraamto oo wax soo saar leh.

Somalia waxay u baahan tahay nidaam dhexe oo umadda ka abbaara dhanka fikirka, isla markaana tusa in aqliga looga faa’iidaysto dhanka wanaagsan. Ogoow umaddu dabiiciyan ma aqli xuma, balse aqliga waxaa marka dambe midabeeya haddba aragtida la geliyo.

Haddii aan abidkeen u fikirno sidii aan hebel oo taagan hoosta uga qodi lahayn, isna uu sidoo kale ku jawaabo, waxaa soo baxaysa umad is xabaal nololisa oo aan waxba macaashin adduun & aakhiro midna. Ha yeeshee, haddii ay tuulo kasta garato faa’iidada ay u leedahay midda deriska la ah, waxaa soo baxaysa umad xooggan oo iyadu kala badbaadda umad kalena iskaga aadda.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

E-mail: maxaaji@hotmail.com

Hadalsame Media