(Nyon) 02 Agoosto 2019 – Stephanie Frappart ayaa dhexdhexaadin doonta Ciyaarta UEFA Super Cup ee dhexsan doonta kooxaha Liverpool iyo Chelsea, taasoo noqonaysa gabadhii ugu horreeysey ee abid seeriga u qaadda ciyaar ay wiilal ciyaarayaan oo ay UEFA maamulayso.Ciyaarta ayaa ka dhacaysa gegada Besiktas Park ee Istanbul bisha Agoosto 14. Waana ciyaar kulul oo dhexmarta kooxaha kala haysta Champions League iyo Europa League oo ay sanadkan Ingiriisku wada qaadeen.
Haweenaydan Faransiiska ah ee taariikhda dhigaysa oo 35-jir ah, ayaa soo qabatay ciyaartii dhamaadka Koobka Adduunka hablaha ee Maraykanka iyo Netherlands.
Waxay horay u qabatay ciyaaraha wiilasha ee horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, iyadoo bishii Abriil dhexdhexaadisey ciyaartii Amiens iyo Strasbourg, balse markan waxay ku cusub tahay tarmamada UEFA qaybta wiilasha.
Kaaga darane kaligeed maaha, waxaa Frappart wehlin doona gabdhaha kale ee Manuela Nicolosi (France) iyo Michelle O’Neal (Republic of Ireland) oo calan sidayaal u noqonaya.
Xeer ilaaliyaha ciyaartu waa garsooraha mayalka adag ee reer Turkey ee Cuneyt Cakir.
Hadalsame Media